Muqdisho (Halqaran.com) – Weli waxaa socda baadi goobka dad lagu la’yahay dhismayaashii ku burburay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Aamino Aweys Maxamed oo ka mid ah dadka baadi-goobka ku jira ayaa raadineysa Ninkeeda oo xilligii ugu dambeysay ku sugnaa isgoyska Zoobe.
Mar ay wareysi siiyay Telefeshinka Dalsan ayay sheegtay Aamino Aweys inay goobta qaraxyada ka dhaceen ka heshay Kabihii buudka ahaa iyo shaatigii uu xirnaa Ninkeeda oo isgoyska Zoobe ku iibin jiray dharka Huudheyda ah.
Aamino ayaa tilmaamtay in qaraxyadii dhacay lagu waayay Ninkeeda, isla markaana ay maalintii labaad ka baadi-goobayaan meydkiisa burburka dhismayaashii ku soo dumay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Aamina Aweys Maxamed ayaa sheegtay in Ninkeeda geeriyooday uu uga tegay illaa 10 carruur ah, iyaduna ay haatan xanuunsaneyso, isla markaana ay dhanka Minka ay buro kaga taallo.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Wareysiga Aamina Aweys:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





