Dowladaha Jabuuti & Kenya oo ballan qaad garab istaag ah u sameeyay DF Somaliya

Jabuuti (Halqaran.com) – Jabuuti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Zoobe.

Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Geelle ayaa waxa uu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya uga tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii sabtidi ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro ballaaran oo gaaray dad shacab ah iyo Askar dowladeed.

Mr Ruto ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay dowladda Fdderaalka Soomaaliya la garab taagantahay tageero buuxdo, isla markaana ay la qeybsanayaan murugada qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Ugu dambeyn, in ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo isbitaalada waaweyn ee magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com