Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Muqdisho: Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-Shabaab oo xukun adag lagu riday

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Khamiista Maanta ah waxaa ay xukun ku riday Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haysto in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada, kaas oo Bishii November sanadkii tegay bartamaheedii ay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile.

War kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Xilliga ay ciidanka qabanayeen Cabdiraxmaan laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, OOkiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Ninkan ayaa waxa uu lahaa gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriya, waxa uuna ka bartay Computer Science, waxa ay sidoo kale Hay’adama amniga cadeeyeen xariir gaar ah oo uu lalahaa u qaabilsanaha Al-Shabaab Arrimaha Dibadda.

Bishii June ee ina dhaaftay ayay ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la mudeeyo dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow, waxa ayna Maxkamadda aqbashay 16-kii bishan aynu ku jirno.

Ugu dambeyn, fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...