Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Kim Jong ‘‘Waxaan diyaar u nahay inaan isku difaacno Nukliyeer ”

Korea (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa “diyaar u yahay inuu Nukliyeer isku difaaco” haddii mustaqbalka isku dhac militari uu dhexmaro ayaga iyo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washington iyo Seoul ayaa marar badan ka digay in Pyongyang ay diyaarineyso inay fuliso tijaabadeedii toddobaad ee Nukliyeer, tallaabadaas oo Mareykanka ay ka digeen inay horseedi doonto jawaab “deg deg ah oo xoog badan.”

Khudbaddii ugu dambeysay ee Kim uu jeediyo ee lagu xusayey heshiiskii lagu soo afjaray Dagaalkii Korea, taasi oo Kuuriyada Waqooyi looga yaqaan “Maalinta Guusha”, ayuu ku sheegay in ciidamada dalkiisa “ay sii buuxda diyaar ugu yihiin” xasarad kasta.

“Ka hortagga dagaal Nukliyeer ee dalkeena waa u diyaar in la abaabulo, waana awood xooga badan,” ayuu Kim ku yiri khudbadda uu jeediyey Arbacadii oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Pyongyang ee KCNA.

Kim oo munaasabadda 69 guurada dhammaadkii dagaalkii 1950-53 kula hadlayey askartii ka qeyb gashay ayaa adkeeyey “u diyaar ahaanshaha dalkiisa ee inuu meel iska saaro Mareykanka haddii ay isku dhacaan.”

Hanjabaadda Kim ayaa imaneysa ayada oo Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay sare u qaadeen dhoolatusyada militari ee mar kasta ka careysiiya Kuuriyada Waqooyi maadaama Pyongyang ay u argato isku diyaarin duulaan ka dhan ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...