Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Jubbaland oo shaaca ka qaaday in DF Somaliya ay siyaasadeysay lacag loo qoondeeyay…

Kismaayo (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Qorheynta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in lacag hal Milyan oo Dollar ah oo Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble u qoondeeysay gurmadka abaaraha la siyaasadeeyay.

Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa waxa uu sheegay in lacagtaas kaliya Maamulka Jubbaland laga soo gaarsiiyay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo dollar la soo diray, isaga oo sheegay in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsado saxiibtinimo ama xil Wasiir.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed wuxuu sheegay in deeq kasta oo ka timaada Caalamka ay aheyd in dowladda federaalka & dowlad Goboleedyada ay ka tashadaan sida loo qeybinayo, balse taasi ay meesha ka baxday oo dad gaar ah ay jeebka ku shubteen.

Sidoo kale, wuxuu xusay, in cabashadooda Madaxweynaha Jubbaland uu u gudbiyay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, ayna rajeeynayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalo in si siman oo wadatashi ah loo qeybiyo deeqaha Caalamka uga yimaado Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta ee maamulka Jubbaland ayaa hadalkiisa imaanaya, xilli dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...