Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

Mucaaradka oo ka soo horjeestay muddo kordhinta uu sameeyay golaha shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta mucaaradka ayaa waxaa ay si kulul ugu hadleen qaraarka ay shalay gaareen xildhibaannada golaha shacabka, kaasi oo ahaa muddo kordhin ay u sameeyeen Hay”addaha dowladda ee muddo xileedkooda mar hore dhammaaday.

Golaha midowga musharaxiinta ayaa qoraalka ku yiri ” Goluhu wuxuu si adag u diidayaa muddo kororsiga sharci darrada ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka in ay tallaabo ka qaaddo shakhsiyaadka halista ku ah deganaanshaha iyo xasilloonada Soomaaliya.”.

Mucaaradka ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen in qaraarka golaha shacabka ee labada sanno ugu kordhiyeen hay’addaha dowladda uu dalka u horseedo xasiloni darro siyaasadeed iyo mid amni oo halis ah.

“Goluhu wuxuu caddeynayaa in Dastuurka dalka iyo go’aanka labada aqal ee baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha iyo Guddoonka golaha shacabka oo muddo xileedkooda dhacay”ayaa lagu yiri qoraalka Mucaaradka.

Sidoo kale midowga musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay meel ugu soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortagga kalitalisnimada dalka lagu burburinayo, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...