Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho uu kulan uga socdaa Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha oo uu kamid yahay musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Ciro, kaas oo ay kala hadlayaan arrimaha doorashooyinka.
Kulanka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa diirada si gaar ah loogu saarayaa walaaca ay Midowga musharraxiinta ka muujinayaan hanaanka ay ku bilawdeen doorashooyinka Aqalka sare iyo in laga hortago in doorashada Aqalka Hoose ay la mid noqoto sida mida Aqalka Sare.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharraxiinta ayaa kulanka goobjoog ka ah, waxaana labada dhinac ay is dhaafsanayaan talooyin ku aadan qabsoomida doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashooynka ay noqdaan kuwo xur iyo xalaal ah.
Xubnaha Midowga Musharraxiinta oo kulanka shalay uga furmay Hotelka Jasiira ayaa waxaa ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada & Beesha Caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





