Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta koormeeray Taalada Daljirka Dahsoon oo berri uu ka dhici doono Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkii la doortay uu dhamaaday.
Midowga Musharraxiinta ayaa sidoo kale socod ku soo maray Hoteelka Naasa hablood ilaa Taallada, waxana shacabka Muqdisho ay ka dalbeen in ay maalinta berri ay soo xaadiraan banaanbaxa weyn ee looga soo horjeedo dowladda waqtigeedii dhamaaday.
Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in maalinta berri ay tahay maalin taariikhi oo guul weyn u soo hoyn doonta bulshada.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in ilaaliyo sharciga uuna qabto doorashada loogu wada qanacsan yahay oo ay qeyb yihiin dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





