Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BF Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo heshiiskii doorashada ay la sheegay in Guddiyada farsamo ku gaareen magaalada Baydhabo.
Mr Xaashi ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin in shirarkii ay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ku qabaneysay dowladda uu muddo xileedkeeda dhamaaday uu ahaa kuwo aan loo dhameyn, islamarkaana aysan jirin dad ku matalayay Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa intaasi raaciyay in shirkii ugu dambeeyay ee guddiyada farsamada ay ku yeesheen Baydhabo uu ahaa mid kaliya ay ka qeyb galeen xubno ka socda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, balse aysan jirin cid ku maaleysay Gobollada Waqooyi, islamarkaana aysan aqoonsaneyn heshiis lagu gaaray.
“Heshiiska Shirka Baydhabo annaga qeyb kama nihin, waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan, aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka, Marka aan si gaar ah uga hadlo Somaliland – dowlad ahaanna uguma jirto, dadka halkan u jooga midnimada xubno kama lahan. Su’aasheydu waxay tahay yaa nagu metela, waa ayo cida noo heshiineysa? Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Si kastaba, hadalka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli xalay Madaxweyne Farmaajo uu shir isugu yeeray dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, islamarkaana aysan jrin cid uga qeyb-galeysa ama ku mataleysa Gobollada Waqooyi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





