Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka hore waxaa lagu cambaareeyay Go’aankii Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka ay ugu dhawaaqeen Jadwalka doorashada Baarlamaanka labada Aqal.
Musharraxiinta ayaa waxaa ay sheegeen in arrintaan ay u arkaan boob doorasho oo uu Madaxweynaha ugu bareerayo abuurid xasarad siyaasadeed oo lagu burburinayo nidaamka dimuqraadiga oo udub dhexaad u ah nidaamka Siyaasadeed ee dalka, waxaana ay ku eedeeyeen in uu Madaxweyne Farmaajo dhegaha ka fureystay talooyinka ay u soo jeediyeen.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Midowga Musharraxiinta oo aad u dheer ayaa waxaa kasloo ay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu aqbali waayay baaqii Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in laga heshiiyo khilaafka doorashada, taas bedelkeedana uu doonayo in uu qabsado doorasho uu kaligiis tartame iyo Garsoore ka yahay.
“Golaha waxaa uu uga digayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada inay ku kadsoomaan qabashada doorashooyin aan la isku raacsaneyn, kuwaas oo hubanti tahay inay ka dhalan karaan xasilooni darro ka dhacda degaannada ay maamulaan oo ah goobo u nugul‘‘, ayay qoraalkooda ku sheegeen Midowga Musharraxiinta.
Midowga Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqaeen shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.
Hadda halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhammeystiran:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






