Germany (Halqaran.com) – Alle ha u Naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe dalka Germany ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay.
Fannaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo dhibaato ba’an ku haya Caalamka, waxaana la sheegay in Marxuumka ay xaaladiisa caafimaad liidatay maalmihii u dambeeyay, wuxuuna ku jiray Coma oo ah xaalad miir dabool ah .
Alle ha u Naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.
Marxuumka wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan, markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.
AUN Cabdi Cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee hobalada Waabari.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





