Monday, June 1, 2026
26.9 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha oo Kulan deg-deg ah markale yeelanaya

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah markale lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan mid ka mid ah hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulankooda uga hadlaya arrimo dhowr ah.

Wararka ayaa sheegaya, in Kulankaan looga hadli doono waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda wadanka, halka qaarkoodna ka warbixin doonaan kulamo kale oo gaar gaar ah oo ay la yesheen madax kale.

Waxyaabaha ugu adag ay musharraxiinta ka hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah qaraxyadii khasaaraha badan geystay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo jawaab la’aanka Villa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la kala diro guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale uu xilka baneeyo Taliyaha NISA, hayeeshee Villa Soomaaliya weli aysan ka jawaabin codsiga musharixiinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...