Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha ha u naxariisto waxaa maanta Isbitaalka xoogga dalka ka dhacay aaska 8 Dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay Qarax Ismiidaamin oo lala beegsay Maaqayad loo yaqaano Gelato Devino ee ku taalla ka soo horjeedka xarunta Sahal ee wadada garoonka Aadan cadde.
Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Laba ka mid dhalinyarada waxa ay la shaqeynayeen Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliya, halka midna uu la shaqeynaayay Hay’addaha UNKA qaar kalena ay ahaayeen arday iyo ganacsato.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





