Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Mid ka mid ah raggii laayay saraakiisha ciidamada Miltariga Soomaaliya oo la soo qabtay

Balanballe (Halqaran.com) – Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa tan iyo xalay waday hawlgallo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dil wadareed duleedka degmada Balanballe  loogu gaystay saraakiil ka tirsanaa Ciidamada milateriga Soomaaliya.

Howlgalka oo laga sameeyay wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel & Balanballe ayaa intii ay ku jireen Ciidamada waxaa la sheegay inay  gacanta ku dhigeen mid kamid ah maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkaas kaas oo watay qoray AK47 ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xaqiijiyay qabashada Ninkaas, waxaana uu sidoo kale sheegay in Ciidamada ay soo heleen laba Sarkaal oo la weysanaa, isaga oo  u tacsiyadeeyay Saraakiishii ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee weerarka lagu dilay.

“Anigo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Galmudug waxaan mar labaad tacsi u diraya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo dhammaan qoysaska ay ka baxeen iyo qaraabada, waxaan Allah ka baryaa in uu Samir iyo iimaan naga Siiyo dhamaanteen‘‘ ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada Milaletriga Soomaaliya ee lagu dilay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa saakay la’aasay, iyadoo aysan jirin Madax ka tirsan Galmudug oo Aaska ka qeyb-gashay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...