Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in ciidamada kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka howlgal ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Gendershe ee gobolkaasi.
Taliyaha Ciidanka lugta Genaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen deegaanka Gendershe ayaa sheegay inay deegaanka kala wareegeen Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya, in Ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Gendarshe oo u dhow Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil Ciidan.
Deegaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa dhowr jeer la wareeegay Ciidamada dowladda, basle ay isaga baxeen waxaana uu ku yaalla dhinaca xeebta ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





