Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo sii deysay taliyhii hore ee ciidanka Danab

Muqdisho (Halqaran.com) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Taliska Ciidamada Xoogga Dalka uu ku eedeeyay wax is daba marin Musuq iyo isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay taliyihii Ciidanka DANAB ee xilka qaadista lagu sameeyay.

Gen. Odowa Yuusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay 8-dii September ee Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta Militeriga ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Bartimihii Oktoober ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Horgeyn kadib 25-kii November ayaa la dhageystay eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Lixdii December bishan ayaa la dhageystay Afar markhaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen, mana jirin qof ka markhaati kacay xatooyo xoolo Dadweyne.

Abuukatayaasha u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday, laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Ugu dambeyn, maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...