Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Mid ka mid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaannada BF Somaliya oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa maanta gudaha degmaa Warta-nabadda ee gobolka Banaadir ku dilay, mid ka mid ah ergooyinkii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka ee BF Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen, in rag hubeysan oo watay Bistoolado ay toogasho ku dileen Ninka, xilli uu joogay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda, isla markaana waxaa uu Ninkaas u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ninka kamid ka ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaana la sheegay in xilligii la dilayey uu watay qori, waxaana durbadii goobta ka cararay kooxihii ka danbeeyay falkaas.

Wararka ayaa sheegaya in marxuum Cabdi Caraaye Maalin uu kamid ahaa ergadii Galmudug ku soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka.

Muqdisho ayaa waxaa horey dilal qorsheysan loogu geystay ergooyin soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka, Nabaddoonno iyo mas’uuliyiin u shaqeyn jiray dowladda, iyadoo mas’uuliyadda dilalkaasi ay sheegato Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...