Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Digniin ku socota Ganacsatada, iyagoona uga digay inay taageero lacag siiyaan dagaallamayaasha Al-Shabaab, sida uu waraahinta u sheegay Wasiirka Ganacsiga.
Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in laga billaabo maanta ganacsidihii Al-Shabaab taageero ama siiyo lacag ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto hantidiisa, sidoo kalane loola dagaalami doono.
Sidoo kale, Wasiirka sheegay in ay jiraan Maraakiib la shaqeysa oo u sheega hantida ay wadaan iyo cadadka hantidaas ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin, waxa uuna dalbaday in Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda uu arrintaas wax ka qabto.
“Saddex illaa Afar Shirkadood ayaa jira oo macluumaadka ganacsiga Dekadda kasoo daga siiya Al-Shabaab Wasaaradda Dekaduhu wa inay Shatiga kala laabataa, sidoo Kale Nootaayooyinka Muqdisho waxay toos ula shaqeeyaan Al-shabaab” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com