Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Meydka Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo Jimcaha berri la keenayo Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga u xil saaray aaska Allaha u naxariitee, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa sheegay in maalinta Jimcaha oo berri ah la keeni doono meydka madaxweynaha, laguna aasi doono magalaada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo guddigaas ka mid ah ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday xalay isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 82 sano jir.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 11 xubnood oo ay kamid yihiin; wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir u xil saaray qaban qaabada aaska Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed.

Ugu dambeyn, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in saddex maalin oo baroor-diiq ah loo sameyn doono, isla markaana Calanka Jamhuuriyadda hoos loo dhigi doono, si loo maamuso madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...