Saturday, July 18, 2026
25.3 C
Mogadishu

Maxkamadda sare ee Kenya: ‘‘William Ruto ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya‘‘

Nairobi (Halqaran.com) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa diiday dooddii Ra‘iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo uu ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Tani waa go’aan loo dhan yahay, Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay
madaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.

Ugu dambeyn, go’aankan ayaa soo afjaray hubanti la’aan siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray Kenya, waxayna uu dhabarjab ku noqotay musharraxa mucaaradka Raila Odinga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...