Nairobi (Halqaran.com) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.
Maxkamadda sare ee Kenya ayaa diiday dooddii Ra‘iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo uu ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.
“Tani waa go’aan loo dhan yahay, Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay
madaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.
Ugu dambeyn, go’aankan ayaa soo afjaray hubanti la’aan siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray Kenya, waxayna uu dhabarjab ku noqotay musharraxa mucaaradka Raila Odinga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com