Friday, March 13, 2026
26.7 C
Mogadishu

DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada oo Shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirrada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayuu Isniinta maanta ah shir uga furmay Caasimadda Muqdisho.

Waxaa shirkan looga arinsanayaa nidaamka maaliyadda ee dalka, xoojinta iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, Cilmi Maxamuud Nuur ayaa isku dayaya inuu xal u helo cabashada iyo eedeynta ay toddobaadkii hore wasaaraddiisa ka soo gudbiyeen Wasiirada Maaliyadda ee shanta Dowlad Goboleed.

Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada ayaa ku hanjabay inay joojinayaan wada shaqayntii ay la lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, sababo ku aaddan iyaga oo Wasiirka Maaliyadda Qaranka ku eedeeyay inuu ka gaabiyay xiriirkii iyo wada shaqayntii labada dhinac.

Si kastaba, Shirka Wasiirada Maaliyadda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo heshiiska wadashaqeyn ay gaari doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...