Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Ciidamo farabadan oo Millateriga Soomaaliya oo la geeyay duleedka Buulo-burde

Hiiraan (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa qebta 27aad ee Millateriga Soomaaliya oo aad u hubeysan, isla markaana wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa Isniinta maanta ah waxa ay kasoo baxeen degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo howlgallo ka wada degaano hoostaga degmadaas.

Ciidamada ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxa a sheegeen inay howlgallada ka sameeyeen deegaannada kala ah Ceemooy, dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20km ujira degmada Buulo Burde.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada ay hawada ka saareen dhammaan isgaarsiintii deegaannada howlgalka ay ka sameenayeen, iyaga oo sidoo kale Bur-buriyey Doomo ku xirnaa wabiga Shabeelle, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka gudbi jireeyn xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo baxsad ka ahaa howlgallada Ciidamada.

Weli Saraakiishu ma shaacin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka, balse waxa ay sheegeen in uu qeyb ka yahay howlgalalda guud ee Ciidamada dowladda ka wadaan deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...