Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Maxkamadda Galmudug oo Xukun Ku Riday Rag Lagu Qabtay Howlgal La Fuliyay

Cadaado (Halqaran.com) – Maxkamadda degmada Cadaado ayaa xukun min hal sano oo xarig ah  ku ridday laba dhallinyaro ah, kadib markii laba cisho ka hor lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada Booliska oo ka dhacay deegaanka Ballisonkor ee Galmudug.

Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabo Xuseen Axmed C/laahi iyo Xasan Xuseeen Cumar,ayaa la soo qabtay xilli ay wateen gaari ay ka buuxeen 17-kartoon oo khamri ah iyo laba qori oo AK ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Cadaado C/casiis Ciise Cali iyo Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska ee Cadaado Maxamed Cadceed ayaa goobjoog ka ahaa xukunkaasi min halka sano ah ee lagu xukumay dhallinyaradaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dhallinyaradaasi ay bixiyaan ganaax dhan 5-boqol oo doolar,waxaana duleedka Cadaado lagu burburiyay 17-kii kartoon ee khamrada ahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...