Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya lacago ugu deeqay

Muqdisho (Halqaran.com) – Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) , ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, si loogu taageero sugnaanta cuntada deg-degga ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Bariga Afrika, Nnenna Nwabufo, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta dheeriga ah ee colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunno yarida dalka.

Mas’uulkaasi, waxa uu intaa raaciyay in deeqdani ay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta .

“Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay abuureen xaalado nuglaansho ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u haleeshay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada,” ayay tiri.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 7.1 milyan oo qof, ku dhawaad ​​kala bar tirada guud ee dadka, ayaa wajahaya xaalado  abaaro ah oo ka jira Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...