Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo shaacisay inay rajo ka qabto ku biirista Dallada Bariga Afrika (EAC)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Aruusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu uga qayb galay shirka dalalka ku midaysan dalladda Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya ayaa la sheegay in dhowr jeer oo hore ay codsatay ku biirista dalladan, balse wali taasi ma suurtagelin, haddaba intee ayay la eg tahay rajada laga qabo in Soomaaliya loo oggolaado ka mid noqoshada dalladdaas.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Ali Kaar, oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in rajada ay aad u wanaagsan tahay.

“Calamadii surnaa goobta kan Soomaaliyana wuu ku jiray, madaxweynaha markii uu codsiga gudbinyayna waxa uu kula kaftamay madaxweyneyaashii kale in calanka Soomaaliya uu halkiisaas ka sii taagnaado,” ayuu yiri Cabdikariin.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa yiri: “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalka ku bahoobay dalladdan. Waxaan rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanadaha soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aanu leennahay khayraad, macdan, xoolo iyo beero. Intaas waxaa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...