Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo gaaray heshiis aad loo soo dhaweeyay

Moskow (Halqaran.com) – Heshiis u dhexeeya dalalka Ukraine iyo Ruushka oo ogolaanaya in qamadida laga dhoofiyo dekedaha badda madow ayaa si weyn looga soo dhaweeyay caalamka oo dhan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa iftiin rajo ah.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ku tilmaantay heshiiskan mid badbaadinaya nolosha aadanaha.

Sida ku cad heshiiska, Ruushka iyo Ukraine ayaa ballan-qaaday in ay hubiyaan in maraakiibta Xamuulka ah ay si nabadgelyo ah u kala gooshaan.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com