Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo gaaray heshiis aad loo soo dhaweeyay

Moskow (Halqaran.com) – Heshiis u dhexeeya dalalka Ukraine iyo Ruushka oo ogolaanaya in qamadida laga dhoofiyo dekedaha badda madow ayaa si weyn looga soo dhaweeyay caalamka oo dhan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa iftiin rajo ah.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ku tilmaantay heshiiskan mid badbaadinaya nolosha aadanaha.

Sida ku cad heshiiska, Ruushka iyo Ukraine ayaa ballan-qaaday in ay hubiyaan in maraakiibta Xamuulka ah ay si nabadgelyo ah u kala gooshaan.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...