Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku riday laba rag oo horey dil u geystay

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Arbcadii Maanta waxa ay xukun ku riday rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo Maxkamaddu sheegtay in lagu helay dilalka Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Labadan ruux ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cumar Aaadan Maxamed & cabdulle Axmed Muudey ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda ku eedeeysay in 13-kii Bishii November ee sanadkii 2019 ay siwadajir ah u dileen Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda waxaa ay ku eedeysay dilka Cabdullaahi Axmed Hilowle oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka, hayeeshee ugu dambeyn laamaha Amniga ay gacanta ku dhigeen.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in, kadib markii ay qirteen dilalka ay geysteen iyo markhaatiyaal ku cadeeyay lagu xukumay dil toogasho ah, isla markaana ay u furan tahay inay racfaan qaatan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Rag ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal iyo dambiyo kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...