Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo Shirka dib u habeynta iyo kobcinta dhakhliga ka furay Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyay Shirka dib u habeynta iyo kor u qaadista dakhliga dowladda Puntland.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa  Guddiga dib-u-habeynta dakhliga hoose ay kusoo bandhigeen warbixin ay kasoo ururiyeen Wasaaradaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Maamulka taasi oo lagu soo bandhigay dakhli hoosaadyada ay qaadaan.

Dib u habeynta iyo kobcinta dakhliga Dowladda waxay sahlaysa hirgelinta Khasnada mideysan, horumarinta maamul wanaaga, in aan dakhligu uusan meel dhexe kulumin iyo in shacabka culayska laga illaaliyo ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga dib-u-habeynta dakhliga, wuxuuna la wadaagay golaha in qorshahan qeyb ka yahay tayeynta iyo horumarinta guud ahaan hufnaanta maaliyadda. Isagoo faray dhammaan Hay’addaha in wadajir looga shaqeeyo kor-u-qaadista dakhliga iyo hirgelinta Khasnada mideysan.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Xisaabiyaha guud, Garyaqaanka guud, Hanti-dhowrka guud, Madaxda Bangiga , Guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka, lataliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...