Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku fulisay Ninkii dilay Wasiir Siraaji

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Sabtidii saaka waxa ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi oo bishii May ee 2017-dii dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji ee ka tirsanaa Xukumadda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maxkamadda Ciidamada ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xukumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana muddo 6 sanno ah uu ku xirnaa xabsi ay leedahay dowladda Federaalka.

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkii 2017-dii u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.

Ugu dambeyn, maxamuud Siraaji oo ah marxuumka walaalki ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Cabdi. “Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...