Garacad (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Sabtidii maanta gaaray deegaanka Garacd ee Gobolka Mudug dhanka dowlad Goboleedka Puntland.
Mudane Xasan ayaa waxaa Garoonka deegaanka Garacd ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Xildhibaano, Wasiirro iyo xubno kale.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinay Madaxweyne Saciid Deni ayaa goor dhow si wadajir ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa Munaasabadda xarig jarka dekadda cusub ee Garacad ka jeediyey khudbad uu ku boggaadiyey horumarka deegaanka iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka Puntland.
Waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso Garacad, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqdo kuwii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib.
Sidoo kale, dekedda Garacad ayaa muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





