Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya, in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka lagu magacaabo Masjid Cali Gaduud ee ku yaalla gobolkaasi.
Ciidamada ayaa si nabad gelyo ah ula wareegay, mana jirin dagaal ay kala kulmin kooxdii hore u hesatay.
Ururka Al-Shabaab ayaa deegaankaasi ku soo bandhigtay odayaal ay sheegeen in ay u dagaalami doonaan dhawaan.
Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalka hoggaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in deegaankaan ay ka sii gudbi doonaan, islamarkaana u jeedkoodu uu yahay in ay gaaraan degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.
Ciidanka dowladda ayaa sii maray deegaanno badan oo Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen, kuwaasoo ay si weyn ugu xooganaayeen sanadyadii la soo dhaafay.
Si kastaba, howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BF Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





