Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Isniinta maanta ah xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Danjire Swan ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.
”Waxaan kaga mahadcelinaynaa James hawlihii kala duwaneed oo uu qabtay intii uu joogay Dadka”, waxaa sidaasi yiri RW Xamse Cabdi Barre.
James Swan oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud, ayaa kulanka kadib, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





