Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
James Swan iyo wafdigiisa  ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR , waxaana kulan ay yeesheeen uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa madaxda Koonfur Galbeed uga tacsiyadeeyay mas’uuliyiintii lagu dilay qaraxyadaii ka dhacay Baydabo & marko, wuxuuna sheegay in ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa iyo taageerda ay siiyaan.
Dhankiisa Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyay taageerada Qaramada midoobay ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan mashaariicda Qaramada Midoobay ka fuliso degaannada Koonfur Galbeed.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa wada booqasho uu ku tegayo degaannada Dowlad goboleedyada, waxaana uu shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la filayo in dhawaan deegaannada kale ee dowlad Goboleedyada uu tago.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com