Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac xoogan ka muuujiyay xaaladda Amni ee xilligaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad aad u daran oo dhanka Amniga ah.
Mr Deni ayaa sheegay, in laamaha Amniga iyo Shacabka Puntland looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dhanka Amniga ah maadaama dagaallo ay ka socdaan meelo kamid ah Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Reer Puntland inay yihiin dad mideysan oo iska celiya cadawgooda.
Wuxuuna markale ugu baaqay Shacabka iyo laamaha Amniga inay sii xoojiyaan feejignaan tooda dhanka Amniga, isla markaana ay ilaashadaan maamulkooda.
Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Maamulka dowlad degaanka Soomaalida, Isla markaana Puntland oo xaduud la leh Maamulka dowlad degaanka ay la saxiixdeen iskaashi dhinaca Amniga ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





