Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanka Coomaad oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Axaddii maanta halkaasi ay duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal.
Deegaanka Coomaad ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in duqeynta lala beegsaday Saldhigyada Al-Shabaab ee deegaanka Comaad, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan wadeen Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dadka deegaanka Comaad oo la hadlay warbaahinta balse codsaday in aan magacooda la adeegsan ayaa sheegay, inay maqlayen jugta duqeynta balse aysan weli kala cadeyn khasaaraha ka soo gaaray Al-Shabaab, iyada oo la diiday in loo dhawaado halka ay ka dhacday duqeynta.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa inta badan duqeymo la beegsada Saldhigyada Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, duqeyntaan ayaa ku soo aadeysaa xilli dhawaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka gudbay xadka gobolka Hiiraan ay weerareen deegaanno katirsan dowlad deegaanka Soomaalida.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





