Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maalmiihii lasoo dhaafay kulamo ka waday magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlayey sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee BFS  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulankaasi sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad kaas oo inta badan diiradda lagu saaray  arrimaha doorashada oo xilligaan shir laga leeyahay, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha golaha aqalka sare ee BFS  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada wareegaysay warqad taas oo lagu sheegay in wadahadalada siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi lagu wareejiyey guddoonka aqalka sare inkastoo markii dambe uu been abuur warqaddaasi ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...