Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Aung San Suu Kyi ayaa kasoo muuqatay maxkamad tan iyo markii ay milatarigu afgambiyeen

Myanmar (Halqaran.com) – Hoggaamiyihii hore ee Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa kasoo muuqatay maxkamadda markii ugu horreysay tan iyo markii dowladeeda ay afgambiyeen milatariga bishii Febraayo.

Ms Suu Kyi ayaa wajaheysa eedeymo dhowr ah oo ay kamid yihiin ku tumashada sharciga iyo lunsi lacageed, iyadoona xabsi guri ku jirtay muddo 16 toddobaad ah.

Milatariga Myanmar ayaa ku eedeeyay xisbiga Ms Suu Kyi ee National League for Democracy inay khiyaano ku sameeyeen doorashadii guud oo ay ku guuleysatay bishii November ee la soo dhaafay.

Kormeerayaasha madaxa-banaan ee doorashada ayaa sheegaya in doorashadu inteeda badan ay u dhacday si cadaalad ah, waxeyna eedaha loo soo jeediyay Ms Suu Kyi ku tilmaameen kuwo siyaasadeysan.

Milatariga Myanmar ayaa gacan adag kala hortagay mudaharaadayaasha taageersan xisbiga National League tan iyo afgambigii bishii Febraayo, iyagoo dilay in kabadan 800 oo qof waxeyna xireen in kabadan 4,000 oo qof, sida ay sheegeen ururka caawiya maxaabiista ee magacooda loo soo gaabiyo AAPP.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...