Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa la horgeeyay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dowladda Soomaaliya 21-kii Bishaan August ay ka soo xirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Caddae Xilli uu la socday Diyaarad.
Kiiska Cabdirashiid Janan ayaa wuxuu la xiriiraa eedeymo ku saabsan tacadiyo kala duwan uu ka gaystay Gobolka Gedo, waxaana maxkamadda lala geeyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Buule Aadan Maxamed.
Fadhiga Maxkamadda ayaa maanta wuxuu ahaa dhageysiga eeda loo haysto Cabdirashiid Janan, waxaana Booliska ay sheegen inay soo dhammeystiri doonaan Dambiyada lagu haysto Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.
Sarkaalka maanta maxkamadda lala geeyay Cabdirashiid Janan ayaa waxaa lagu magacaabaa Buule Aadan Maxamed oo ahaay Taliyihii Ciidamada dowladda ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf ku aadan dhanka Siyaasadda, islamarkaana dowladda waxa ay xayiraad saartay Magaalada Kismaayo.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DF Soomaaliya oo Digniin culus u dirtay maamulka Jubbaland (Maxaa cusub?)
- DHAGEYSO: Somaliland oo war culus ka soo saartay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in ciidanka Jubuuti ee AMISOM oo muddo sanad ah mushaar qaadan?
- XOG XASAASI: Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif oo dacwad halis ah ka gudbiyay dowladda Farmaajo (Maxa cusub?)
- Maxay ula jeeday dowladda Somaliya in dad laga soo musaafuriyay Kismaayo ay dib ugu celiso?
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com