Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Maxaa ku soo kordhay muranka Wabiga Nile ee u dhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Masar

Qaahira (Halqaran.com) – Hoggaamiyaasha dalalka Sudan, Ethiopia iyo Masar ayaa isku raacay in Ethiopia aysan bilaabi doonin buuxinta biyo xireenka ay ka dhistay wabiga Nile, iyadoo aan heshiis la gaarin muddo labo toddobaad gudahood ah, sidaasina waxaa Jimcihii shaaciyey dalalka Sudan iyo Masar.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo arrintan ku aaddan oo si deg deg ah uga soo baxay Ethiopia, oo iyadu horey u sheegtay in ay bilaabi doonto buuxinta biyo xireenkan weyn ee ay ka dhistay meel 15 km u jirta xadka ay la wadaagto Sudan.

Biya xireenkan ayaa laga dhisayaa wabiga Nile ee buluugga ah oo ah isha biyaha ugu badan ee wabiga Nile.

Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia aysan si iskeed ah u buuxin doonin biyo xireenkan, waxaana warkan uu yimid ka gadaal markii hoggaamiyaasha sedexdan dal iyo Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigan ay yeesheen shir dhexmaray oo u dhacay qaab muuqaal ah.

Ra’iisal wasaaraha Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa sheegay in hoggaamiyaashu ay isla garteen in dib loo bilaabo wadahadalladii hakaday isbuucii hore, sida ay wakaalada wararka ee Sudan ku warameyso.

Si kastaba, Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wadahadallo u dhexeeya guddiyo farsamo ay dib u bilaaban doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...