Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Ardayda Dugsiyada sare ee Somaliland oo maanta u fariistay Imtixaankii Shahaadiga

Hargeysa (Halqaran.com) – Imtixaanka Shihaadiga Dugsiyadda Sare ee Somaliland ayaa Sabtida maanta si rasmi ah uga bilowday deegaanada Somaliland, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanka.

Wasaarada Waxbarashada ayaa sheegtay, in hal maalin ay dhammaan gali doonaan Ardayda toban-ka maado, sababo la xariira ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Tiro ku dhaw 11,000 kun oo arday ayaa saaka u fariistay imtixaanaadka dugsiyada sare ee Somaliland, iyadoona isla maanta la soo gabagabeynayo imtixaanka.

Wasaaradda waxbarashada ayaa xustay, in Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee Somaliland uu si rasmi ah uga furmay laba boqol oo goobood.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...