Monday, April 27, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo sheegay in wax fursad ah la siin doonin kooxaha Argagixisada ah

Gaalkacyo (Halqaran.com)  – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixasda.

Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin ururada argagixisada ah.

Sidoo kale, wuxuu wacad ku maray in ciidamada ay howlgallo wadajir ah ka bilaabi doonaan gobolka mudug, Bari iyo Galgaduud oo labada maamul ay kawada arimiyaan.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa siiwatay ayaa intaasi ku daray in kooxaha argagixsada ay sii huriyaan dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday deegaanada Galmudug iyo Puntland ay ka arimiyaan.

Ugu dambeyn, hadalkan ayaa ku soo beegmay, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...