Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii Xaliimo Xareey iyo Wafdi ka socday Qaramada Midoobay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran ayaa kulan mira dhal ah oo ku saabsan doorashada qof iyo codka ah ee 202-0ka la qaadatay ku xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay marwo Aamina J. Mohamed oo booqashao ku timid Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee QM ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kawada shaqaynta arrima doorashada qof iyo cod, helista dhaqaale lagu diiwaangeliyo codbixiyaha, sidii aay u ogolaan lahaayeen madaxda Gobolada in ay Xisbiyadu xafiisyo ka furtaan sida ugu dhaqsiyaha, uuna u soo bixi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan leh Sharciga Doorashooyinka, iyo sidii aay UN-ka u garab istaagi lahaayeen doorashada 2020.

Sidoo kale, waxay si wadajir hoosta uga xarriiqeen in haweenka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay iney doorashada uga qeyb galaan cod-bixiye ahaan iyo musharraxiin intaba.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah kaalin weyn uga qaata nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xaliimo Yareey ayaa ku xigeenka xog-hayaha guud uga mahad celisay hoggaankeeda wanaagsan iyo dadaalka ay ku bixiso horumarinta sinnaanta iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay. kulankaasoo ku dhamaadey guul.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...