Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

DEG DEG: Diyaarad Ciidamo Siday Oo Ka Degtay Magaalada Dhuusa Mareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka Halqaran.com ay ka helayso Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in halkaas ay ka degtay diyaarad ciidamo sidday.

Diyaaraddan ayaa la sheegay in ay ka duushay garoonka diyaaraxaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,iyada oo sidda ku dhawaad 60-askari oo ka tirsan ciidanka Gor-gor ee dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ee laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la qorshaynayo in uu gaaro magaalada Dhuusa mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Xaaladda Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa maanta kacsan waxaana bartamaha magaalada lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u fara badan waxaana jira jahawareer Siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda iyo hogaanka Ahlu-sunna Waljamaaca.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...