Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn culus oo ka dhacday G/Bari

Isku-Shuban (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya deegaanno hoos yimaada degmada Isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegaya, in diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen saldhigyo ay halkaasi ku leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Sidoo kale, duqeynta ayaa ka dhacday nawaaxiga tuulada Cameyra oo ay ku sugan yihiin Daacishta ku sugan degaanada maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig ay leeyihiin Ururka Daacish.

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...