Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ee maamulka Jubbaland?

Kismsaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiistii maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Golaha wasiirrada Jubbaland, ayaa ugu horayntii waxa ay kulankooda ka doodeen Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland, kuwaas oo la kulmay hay’adaha kala duwan ee dowlada iyo bulshada waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda isla markana fariintii dowlada iyo shacabka Jubbaland ay Guddiga u dhiibeen ay taas ahayd.

Dhinaca kale, golahu waxay ka hadleen xaalada fatahaadaha iyadoo Wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish laga dhageystay saamaynta ilaa hada ka dhalatay iyo qorshaha Wasaarada ee sidii gurmad loogu fidin lahaa meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyadoo uu Wasiirku xusay in gurmad laga sameeyay meelaha qaar guul weyna laga gaaray isla markana qorshe weyn oo mustaqbalka arintan lagu wajaho ay u baahan tahay.

Wasaarada Caafimaadka Jubbaland ayaa soo bandhigtay in guud ahaan deegaanada Jubbaland laga furay 4 Xarumood oo waa weyn kuwaas oo wax badan kusoo kordhinaya adeegyada caafimaadka ee bulshadu ay u baahan tahay waxaa kale oo la furay 24 xarumood oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sharaxaad ka bixisay hanaanka bad qabka xoolaha iyo talaalkooda oo kasocda guud ahaan Jubbaland iyadoo hada shaqada ugu badan ay gabo gabo ku dhowdahay dhamaan deegaanada Jubbaland la gaarsiiyay talaalka xoolaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...