Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii labaad ee dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland?

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Markii kulankaasi laga soo baxayna wax warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Kulankaan ayaa noqonaya kii labaad oo Madaxweynaha Somaliland la qaato hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...