Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Dadkii lacagaha ku darsaday Shirkadaha Forex oo lacagahooda kala baxaya (Maxaa cusub)?

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo muddooyinkii dambe ay jireen cadaadis kala duwan oo ay la kulmayeen Shirkadaha Forex ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ku aadan kalsoonida ku aadan lacagaha loo dhiibto, ayaa waxaa isa soo taraya dadka lacagahooda kala baxaya Shirkadaha Forex.

Xarumaha Shirkadahan ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa tan & shalay waxaa buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo doonaya inay helaan lacagihii ay u dhiibteen Shirkadahaasi.

Waxaa aad u yar kalsoonida lagu qabo Shirkadaha Forex ka shaqeeya wixii ka dambeeyay go,aankii uu soo saaray Bankiga dhexe ee dalka oo amray Bankiyada gaarka loo leeyahay inay xiraan Akoonada Shirkadaha Forex.

Xuseen Cismaan oo ka mid ah dhalinyarada lacagta ku darsaday Shirkad ka shaqeeysa Forex, ayaa sheegay inuu si deg deg ah u dalbaday lacagtiisa inuu la baxo, maadaama uu sheegay inuu ka cabsooday in lagala goosto lacagtiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dhalinyaro badan oo qaatay go,aanka ah inay la baxaan lacagihii ay ku darsadeen Shirkadaha Forex ee Muqdisho ka hawlgala.

Waxaa aad u sii yaraanaya kalsoonida lagu qabo Shirkadaha ka shaqeeya Sarifka lacagaha ee Forex, kadib markii maalmahan dadka si wayn uga niyad jabeen, maadaama ay jirtay warar soo baxay oo sheegaya in masuul ka tirsan Shirkadaha Forex uu la goostay, lacag badan kadibna Turkiga uu iska dagay.

Sida sharciga Shirkadaha Forex ee Muqdisho ka shaqeeya ay qabaan qofka marka uu doonaayo inuu la baxo lacagtiisa wuxuu sugayaa 10 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta uu qoro warqada lacag la bixista.

Mashquul badan ayaa ka jira xarumaha Shirkadaha Forex, maadaama dadkii ay la baxayaan lacagihii u yaalay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...