Nabad sugidda oo kaamirooyin hor-leh ku xirtay waddooyinka Caasimadda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa weli socda qorshaha Kaamirooyinka loogu xiraayo waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ay wado Hay‘adda Nabad Suggida Soomaaliya.

Inta badan wadada Maka Al Mukarama ayaa lagu dhajiyay Kaamirooyinka muuqaalada duuba, waxaana si toos ah looga hagayaa Kaamirooyinkaasi Xarunta Nabad Suggida.

Ciidamada NISA, ayaa xalay wadada dabka u xiray in lagu dhajiyo kaamirooyinka si gaar ah xalay waxaa lagu dhajinaayay Kaamirooyinka wadada ka timaada dhanka Isgoyska Bakaaraha ee sida tooska ah u galeysa Isgoyska dabka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Kaamirooyinkaan iyo qarashka ku baxaayo hawlgelintiisa ay bixisay dowladda qatar oo xiriir dhaw ay la leh Agaasimaha Nabad Suggida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Kaamirooyinka ayaa hadda intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xayndaabka ay dagan tahay dowladda Federalka Soomaaliya iyo Hay‘addaheeda amniga.

Wadada Maka Al Mukarama kaliya waxaa ku xiran ku dhawaad 50 xabo oo Kaamirooyinka Qarsoon ah laga soo bilaabo Isgoyska KM0 illaa Isgoyska Banaadir.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo waayahan sidii hore ka wanaagsan, ayaa Saraakiisha ammaanka waxa ay qabaan aragtida ah in Kaamirooyinka door ka qaadan karaan qorshaha suggidda amniga Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com