Monday, April 27, 2026
29.9 C
Mogadishu

Nabad sugidda oo kaamirooyin hor-leh ku xirtay waddooyinka Caasimadda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa weli socda qorshaha Kaamirooyinka loogu xiraayo waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ay wado Hay‘adda Nabad Suggida Soomaaliya.

Inta badan wadada Maka Al Mukarama ayaa lagu dhajiyay Kaamirooyinka muuqaalada duuba, waxaana si toos ah looga hagayaa Kaamirooyinkaasi Xarunta Nabad Suggida.

Ciidamada NISA, ayaa xalay wadada dabka u xiray in lagu dhajiyo kaamirooyinka si gaar ah xalay waxaa lagu dhajinaayay Kaamirooyinka wadada ka timaada dhanka Isgoyska Bakaaraha ee sida tooska ah u galeysa Isgoyska dabka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Kaamirooyinkaan iyo qarashka ku baxaayo hawlgelintiisa ay bixisay dowladda qatar oo xiriir dhaw ay la leh Agaasimaha Nabad Suggida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Kaamirooyinka ayaa hadda intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xayndaabka ay dagan tahay dowladda Federalka Soomaaliya iyo Hay‘addaheeda amniga.

Wadada Maka Al Mukarama kaliya waxaa ku xiran ku dhawaad 50 xabo oo Kaamirooyinka Qarsoon ah laga soo bilaabo Isgoyska KM0 illaa Isgoyska Banaadir.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo waayahan sidii hore ka wanaagsan, ayaa Saraakiisha ammaanka waxa ay qabaan aragtida ah in Kaamirooyinka door ka qaadan karaan qorshaha suggidda amniga Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...