Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulanka Midowga Musharraxiinta iyo Beesha Caalamka?

Muqdisho (Halqaran.com) – Saaxiibbada beesha caalamka ayaa la kulmay Midowga Musharraxiinta Madaxtinimo ee mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay marxaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Midowga Musharraxiinta waxaa matalayay Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa yimid xilli Midowga Musharraxiinta ay walaac xoog leh ka muujiyeen guddiga dootashooyinka.

Dhanka kale kulan khadka Internet-ka ah oo maanta dhexmaray diblomaasiyiin iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe,’ ayey saaxiibbada caalamku waxa ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda wada hadalku uu leeyahay iyagoo isla soo qaaday xaaladihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...