Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa Sabtidii maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.
Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in Sheekh Shariif uu dalka Jabuuti kula kulmi doono madaxda waddankaasi iyo mas’uuliyiin kale inta uu ku sugan yahay dalkaasi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka Jabuuti waxaa ay aheyd halkii lagu doortay sanadkii 2009-kii, waqtigaas oo dowladda Jabuuti ay martigelisay wada-hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qaran la soo dhiso.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan muddo laba jeer ah waxaa uu tegay Magaalada Jowhar, wuxuuna halkaasi kulamo looga hadlayay arrimaha doorashoyinka maamulka Hirshabeelle la qaatay Madaxda Maamulka iyo duubabka Dhaqanka Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





